War bixinta abaaraha Puntland

Abaaraha Puntland

Abaaraha hadda ka jira Somalia gaar ahaan puntland  waa natiijo ka dhalatay  ilaa saddex xilli roobaad oo la waayay, ama si waafi ah aan uga di’in deeganada puntland, seejinta roobkaasi seejiyay waxa ka dhashay in ay qallalaan baraagihii biya roobaadka lagu kaydsan jiray, in biyihii ceelasha yaryar la waayo, iyo in ay biya yareeyaan ceelashii riigagu oo ay ku filnaan waayaan dadkii iyo xoolihii.

Dhulka puntland oo awalba ahaa saxara u eke ayaa waxa abaarahaasi dhaliyeen in ay xoolihii waayaan, geed sare oo ay daqaan iyo wax ay dhulka ka soo qaadaan (caws, xaab) geedahaas oo intooda badani qallaleen maadama ay ku noolaayeen biyaha roobka.

Xoolaha oo ah meesha kaliya ee dadka reer miyiga ah noloshoodu ku tiirsantahay ayaa bilaabay in ay u dhintaan macaluul iyo haraad. Dadka xoola dhaqatada ah qaarkood oo la waraystay ama la booqday  waxa ka dhintay xoolohoodii in ka badan 70% , taasoo micneheedu yahay in qofkii lahaa 100 neef ay usoo hareen 30 neef oo kaliya, qaarkood  xoolihii oo nool ayay ka tageen ka dib markii ay la kici waayeen macaluul iyo tabar darro.

Dadka abaaruhu saameeyeen oo barakacay saddexdii bilood ee ugu dambeeyey waxa lagu qiyaasay 1,250,000 oo qof  ama 178571 qoys. Dadkaas oo aan haysan markii horaba cunto iyo biyo ku filan, durufaha ay dhalisay abaartu waxay ku qasbanaadeen inay kala qaybqaybiyaan intii  yarayd ee xoolaha uga hartay iyagoo mid walba eegaya halkaa uu ku sii ciriqi karo, taasoo dhalisay in cuntadii iyo biyihii yaraa oo ay haysteen ay kala qaybiyaan taasoo aan qaybsami karin markii horaba, waxa dhacda in cuntada hal meel inta lagu kariyo loo safriyo qof meesi kale la jiray muddo dheer.

Saamayntii abaartani keentay

  1. In dadkii ay lasoo dersaan cuduro ka dhashay abaarta iyo gaajadda
  2. In dadkii miyiga iyo tuulooyinka degana ay wajahaan barakac taas oo jaah wareer ku keeni karta maaraynta noloshoda cusub
  3. In ay dhacaan xaaladda dhimasho oo ka dhaan kara haraadka iyo gaajadda
  4. In ay dhaqaalihii wadanka ay abaaruhu si ba’an u saameeyso maadaamada ay xoolaha nooli ahaayen laf dhabarta dhaqaalaha ee wadanka

Maxay dadkaasi u baahanyihiin

  • in cunto lala gaaro
  • in biyo dhaamis la sameeyo
  • in ceelal looga qodo deegaanadooda
  • in daawooyin degdeg ah lala gaaro
  • in la diyaariyo meelo si ku meel gaar ah biyaha loogu kaydiyo
  • in la diyaariyo teendhooyin ay hooy ka dhigtaan dadka iyo xoolaha tabarta daran

Maxaa inala gudboon ka bulsha ahaan

  • In umaddu dareento dhibka walaalohood haysta si dagdag ahna gurmad u bilowdo
  • In hal ku dhageenu noqdo qofkii qof badbaadiyaa wuxu badbaadiyay umadd.
  • In culimadu istaagaan ka hadlaan abaaraha iyo xaalada jirta
  • In qof walba wuxuu awoodo uu la dagdago oo uusan dib dhigan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *