Hay’adda Tadamun oo Raashin gaarsiisay ku dhawaad 350 Qoys

Ayadoo ka jawaabaysa xaaladda Deg-dega ah ee ka jirta deegaanada Bari ee Puntland gaar ahaan Degmada Boosaaso, Hay’adda Samafalka Tadamun oo kaashanaysa Hay’adda WAMY waxa ay si dhakhsa ah u gaarsiisay gargaar ka kooban raashin qalalan ku dhawaad 350 Qoys oo ay roobabkii Bosaso ka da’ay ay guryahoodi kasoo barakiciyeen.