Shirkadda Towfiiq oo kaashanaysa Hay’adda Tadamun ayaa Ku tabarucday deeq raashiin oo afurin ah

Shirkadda Towfiiq oo Ku tabarucday deeq raashiin oo afurin ah

Hay’adda Tadamun ayaa maanta Deeq raashiin ah gaarsiisay 400 qoys oo ka mid ah qoysaska saboolka ah ee degan xeryaha Barakacayaasha iyo xaafada Magaalada Bosaso. Deeqdan oo raashiin afur ah ayaa waxaa ku tabarucday Shirkadda Ganacsiga guud ee Towfiiq, waxayna isugu jirtay Bur, Bariis, Caano, Timir iyo Saliid.

Abdirahman Abdirisak, Guddoomiyaha Hay’adda Tadamun ayaa uga mahadceliyey shirkadda Towfiiq deeqdan afurka ah isagoo bogaadiyey kaalinta shirkaddu ay kaga jirto waxtarka bulshada, wuxuuna xusay in Towfiiq ay Hay’adda kala qayb qaadatay Samafal badan oo ay ka fuliyeen gayiga Puntland iyo Soomaaliyaba guud ahaan. Abdirahman ayaa ku booriyey dadka wax haysta inay bishan barakaysan ay waxtaraan walaalahooda sooman ee aan waxba haysan gaar ahaan xilligan oo aad u adag aduunkana uu la tacaalayo COVID-19 kaasoo saamayn toos ah ku yeeshay nolosha dadka saboolka ah.

Dhanka kale Zakariye Xasan Maxamuud, Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Towfiiq ayaa uga mahadceliyey Haya’dda Tadamun iyo Dowladda Hoose ee Bosaso sida ay usoo qabanqaabiyeen wareejinta deeqda afurinta iyo gaarsiinta masaakiinta xaqa u leh ee sooman, isagoo tilmaamay in shirkadda Towfiiq ay gudato masuuliyada kasaaran bulshadeeda, wuxuuna sheegay in deeqdan ay barbar socoto deeqo kale oo ay kabixinayaan goobo kale sida gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii degmada Qardho oo uu sheegay inay ku tabaruceen 500 qoys raashiinkooda iyo lacag dhan $10,000.

Ugu dambayntii qaar ka mid ah dadkii gudoomay deeqda afurinta ah ayaa uga mahadceliyey Shirkadad Towfiiq iyo Hay’adda Tadamun inay soo gaarsiiyeen deeqda raashiin, waxayna Eebe kabaryeen inuu barakeeyo Maalkooda iyo xoogooda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *