Hay’adda African Relief Fund (ARF) oo kaashanaysa Hay’adda Tadamun ayaa Deeq raashiin oo 60 Qoys ah ku wareejisay Guddiga Gurmadka Daadadka Qardho.

Hay’adda African Relief Fund (ARF) oo kaashanaysa Hay’adda Tadamun ayaa Deeq raashiin oo 60 Qoys ah ku wareejisay Guddiga Gurmadka Daadadka Qardho. Waxaana goob joog ka ahaa goobtii wareejinta Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid iyo Xildhibaan Mahamoud Mohamed Barre oo ka mid ah Guddiga Gurmadka waxayna uga mahadceliyeen Laba Hay’adood inay deeqdaan soo gaarsiiyeen dadkii ku dhibaatoobay Daadadkii ka dhacay Magaalada Qardho 27 April,2020. Asad Cusman Cabdi oo ku hadlayay Magaca Tadamun ayaa faahfaahiyey waxay ka koobantahay deeqda raashiinka isagoo sheegay inay kala tahay Bur, Bariis, Sonkor Timir iyo Saliid, wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee guddiga ugala shaqeeyeen wareejinta raashiinka iyo gaarsiinta dadka tabaalaysan.

Hay’adda Africal Relief Fund (ARF) ayaa fadhigeedu yahay Dalka UK waana hay’adda ka howl gasha qaaradda Africa waxayna ka shaqaysaa arimaha Samafalka iyo Horumarinta bulshooyinka Africa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *