Kulan lagu maamuusayay Daahfurka mashruuca dhisme dugsi sare oo casri ah oo uu yeelanayo Dugsiga Sare Ee Xaaji Cali Biixi .

Kulan lagu maamuusayay Daahfurka mashruuca dhisme dugsi sare oo casri ah oo uu yeelanayo Dugsiga Sare Ee Xaaji Cali Biixi ayaa lagu qabtay Hotel Al-Jazeera ee magaalada Galkacyo.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Isimo, Duqa degmada Galkacyo , Guddoonka Waxbarashada Gobolka iyo kan Degmada Galkacyo, Culimada, Masuuliyiinta Hay’adda Tadamun, Masuuliyiinta Jaamacadaha Bariga Africa iyo Badda Cas,Ururka haweenka gobolka, dhakhaatiirta gobolka mudug , Ganacsatada, Ururka Dhallinyarad Gobolka Mudug, Waalidiinta iyo bahda saxaafadda .

Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayay dhammaan kasoo qayb galayaashu si mug leh kusoo dhaweeyeen muhiimadda uu u leeyahay mashruucan baaxadda leh tayada waxbarashada iyo hormumarka bulshada Gaalkacyo. Inta Kulanku socday ayaa lasoo bandhigay Warbixino ku saabsan Waxqabadka Dugsiga Xaaji Cali Biixi iyo Baahiyaha uu qabo, wuxuuna Maamulaha Dugsigu sheegay in Dugsigu uu u baahanyahay Dhisme cusub kaasoo casri ah kana jawaabaya Baahiyada Waxbarasho ee ka taagan Gaalkacyo, Waxaana lasoo bandhigay Naqashaqadaha iyo qaybaha uu ka koobanyahay dhismaha Cusub: 24 Fasal oo ugu badnaan Faslkii dhiganayso 35 Arday, Lababka Biology, Chemistry, Physics iyo Computers, Maktabad, Xafiisyadii maamulka iyo Macallimiinta (6 Xafiisa), Hoolka Shirarka oo Qaadaya ilaa 300 Arday, Cafeteria iyo Gardens iyo Garoonkii kubada.

Waxaana xusid mudan in Dhulka mashruucan laga hirgelinayo ay ku deeqeen dad muxsiniin ah , waxaana goobta loogu yaboohay mashruuca dhismaha lacag dhan $125,000 , Dhul Badkiisu yahay 15,000 Meter square, interlog dhan 200 Meter square iyo shirkadihii kasoo qayb galay oo iyaguna gadaal kasoo sheegi doono kaaladooda.

Ugu dambayn waxaa kulanka soo xiray gudoomiyaha degmada Gaalkacyo oo si weyn ugu baaqay dadka gobolka Mudug , qurba joogta iyo inta kheyrka jecel inay si mug leh uga qay qaataan Hirgelinta mashruucan faa’iidada badan u leh bulshada Gaalkacyo gaar ahaan iyo Bulshada Soomaaliyeed Guud ahaah.

…….DHAMMAAD…….

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *